Waxaan u mahad naqayaa ilaaheena waaxidka ah ee ina faray Midnimada inoogana digay kala taga iyo tafaaruraqa waxaan ku Sallinayaa nabigeenii sharafta badnaa ee Muxamad NNK ha ahaatee.
Inaga oo aan marnaba soo koobi Karin Nimcooyinka waaweyn ee uu ilaahay inagu galadaystay ayaa waxaa nimcooyinkaa ka mid ah inuu Shareecadeenna ku soo dejiyay sabab kasta oo aynu ku midoobi karno kagana badbaadi karno kala taga iyo ismaandhaafka baaxada leh ee saameeyay ummada muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed.
Hadii aad u fiirsato shanta tiir ee Islaamka waxaad ka dheehanaysaa inay midnimadu tahay astaan iyo muunad ay muslimiintu ku faani karaan kana dhigan karaan halbeeg iyo hal ku dhag .
Hadaynu tusaale u soo qaadano salaada waxaad arkaysaa kana fahmaysaa sida uu ilaahay inoola rabo midnimo iyo wada jir. Ilaahay wuxuu inoo dooray qiblo kaliya, waxaa la ina faray inaan tukano wakhtiyo sharcigu gooyay, loona tukado qaab ay shareecadu xadidday, waxaa la inoo yeelay hal imaam oo aynu wada daba istaagno lana ogalayn inaan khilaafno & inaan salaadda ka goosano isaga oo aan ka bixin.
Kaasi waa hal muuqaal bal waxaad u fiirsataa Xajka,Soonka ,Zakada iyo arimaha Tawxiidka waxaa kuu soo baxaya macnayaal fara badan oo aad kala bixi karto sida ilaahay inoola rabo midnimo iyo wax wada qabsi saameeya nolasheena iyo mustaqbalkeenaba .
Hadii aad akhrido taariikhdii qiimaha badnayd ee salafkeenii ay ku xardheen kuna qoreen baalasha taariikhda waxaa kuu soo baxaysa inay sabab u ahayd midnimadii iyo iskaashiigii diinta ku salaysnaa ee ay ka run sheegeen kuna dabbaqeen nolashooda iyo waaqicooda .
Midnimadu waa sababka laf dhabarka u ah in ummadi ka tallowdo caqabaatka & duruufaha soo wajahay sida Gaajada,Faqriga ,Jahliga,Dacfiga, dib u dhaca iwm, sidoo kale waa sabab lagu gaadho horumar waara oo midhihiisa markiiba loo goosto.
Hadii aan u soo noqdo su’aashaydii ahayd waa maxay midhaha laga goosto kala taga ? Waxaan filayaa waa arin qof kasta oo Soomaaliyeed oo wax garad ah garan karo fahmina karo midhaha qadhaadh ee aan ka goosanay tafaraaruqa iyo meesha uu inagu furay ismaandhaafka aan cududaarka lahayni .
Way badan tahay wax yaalaha uu tafaraaruqu dhaxalsiiyo ummadaha waxaanse ka xusi lahaa qodobadan soo socda.
· Daganaan la,aan iyo inaan la xasilin shacabkeenuna daadsanaadaan daafaha caalamka.
· Qaxootinimo iyo inay astaan inoo noqoto baahida iyo dawarsigu.
Dayaxaa cirkiyo reerahaas dagaya guudkeena
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay
Dadku waxay ku gaareen aqoon durugtay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane
Durdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraaye
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane
· Faqri joogta ah iyo baahi aan dhamaad lahayn & inaan ka gaajoono kheyraadka la yaabka leh ee ilaahay dhulkeena galiyay.
Soomaali magaceed muxuu maanta sharaf beelay
Miyirkiyo ismaqalkii muxuu naga madoobaaday
Mucsurkiyo Abaarraha dhiciyo milicda jiilaalka
Macaluul daraadeed maxaa maato le’anaysa
Maxaa muusanow iyo baroor meelkastaba yaala !!
· In maal nool iyo moodba la waayo miyir iyo maanna lumaan dalka iyo dadkuna ay daadka raacaan.
· Inay lunto karaamada iyo sharafta ummadu, cid kaa haybaysatana la waayo loona baratamo sidii kheyraadkaaga loo boobi lahaa dalkaagana loo qaybsan lahaa .
· Dagaallo aan sabab lahayn iyo hardan joogta ah oo ay ku naf waayaan maato & caruur aan waxba galabsan.
Imisaa dagaalada ku lumay duunyo iyo xoolo
Imisaa saqiir dalandaliyo dumar ku aafoobay
Imisaa dalkoodii ka qaxay oo gaajo dabargooysay
Imisaa duqoow iyo wax garad ciidda lagu duugay
Imisaa ka tagay diinta oo duunyo laga siistay
Daarihii wacnaa een dhisniyo dabaqyo doordoorran
Imisaa kudaafadi dagtoon dib u habeeyn waayay.
· Taag daro soo wajahdaa umada iyo inaan la difaacan Karin sharaf iyo karaamo toona.
· Cadawga oo ka faa’iideysta kala tagga ummada ayna u suura gasho inuu hirgaliyo qaaciidadii ahayd qaybi oo xukun.
· Kalsoonida oo lunta iyo inaan cidina is aaminin, tuulo kastaana ay tuulada kale ka durugto cadawna ka dhigato.
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
Abtirsiinyo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura
Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene
· In la isu Adeegsado cadow si qolaba qolada kale uga takhaluusto aakhirkana qolada soo hadha uu cadawgu liqo.
Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan
Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo
· Kala taggu wuxuu umadda hilmaansiiyaa waxa ka dhaxeeya ee walaalnimo iyo islaanimo ah.
Markay taladu kaa weecato eed yarehe waayayso
Shaydaanku weel madhan mar buu kuu widhwidhiyaa
· In la dabar go,o si sahlanna looga baxo khariidada caalamka sidii ummado horeba uga baxeen.
Nimankii dayacan dowladnimo kuma dakeeyaane
Dullibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaaye
Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsada e
Diihaalka bixi waayay iyo diifta nagu raagtay
Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda loo tuurro
Oo daacad loo wada socdoo lagu dakaynaayo
Gobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye.
· Tafaraaruqu wuxuu ummadaha dhaxalsiiyaa inay sii kala tagaan cidina ayna ku faa’iidin, waxaanu u horseedaa inay noqdaan tusbax furtay.
· Umadda oo ka mashquushay waajibaadkeeda iyo sidii ay u horumari lahayd kuna mashquusha sidii ay isu tirtiri lahayd isagana adkaan lahayd.
Waxaan ku soo koobayaa waa inaan fahanno inaan leenahay cadow inaga baxsan , farxadiisa iyo guushiisuna ay ku jirto kala taggeena , una taagan inuu mindiyaha isugu keen dhiibo kana shaqaynaya inaynaan ka bixin mawjadaha khilaafaadka ah ee aan inagu door bidnay.
Cadawgu wuxuu leeyahay hadaf uu doonayo inuu ka sal gaadho wuxuuna ku fulinayaa cidii uu ku fushan karo ee inagu ma leenahay hadaf iyo yool aan rabno inaan gaadhno? Mise waxaan isku waafaqnay sidii hore loo yidhi inaynaan is waafiqin.
Waxaan u baahanahay in miyirku soo noqdo, maskaxdana aan ka shaqaysiino, mustaqbalkeena aan u naxno, fahannona duruufaha inagu xeeran iyo waxa ummadeena lala maagan yahay.
Waa inaan garanaa inaan kala tagga lagu xaqaiijin Karin himilooyinka aan maskaxda ku hayno, kana badbaadi karin khataraha aan ku jirno.
W/Q: Cabdikhaaliq Jaamac Ismaaciil .
Halgan.net