Muqdisho:-Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa saaka waxay fariisin cusub ka sameysteen dhismaha hore ee Isbitaalkii Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan DFKM.
Ciidanka AMISOM ayaa taangiyadooda dhigtay oo difaac ka xirtay hareeraha iyo Afafka hore ee Isbitaalka Digfeer iyaga oo sidoo kale hakiyey isku socodka dadka ku soo barakacay hareeraha Isbitaalka Digfeer
Ciidanka Xisbul Islaam ee magaalada Muqdisho oo uu haatan madaxa u yahay Sh Xassan Daahir ayaa difaac kaga jira meel aan sidaa uga fogeyn Tarbuunka waxaana laga baqayaan in dagaal uu halkaas ka dhaco.
Sarkaal ka tirsan DFKM ayaa u sheegay Saxaafada in ay ka war heleen dagaal weyn oo ay ku soo qaadayaan kooxaha Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab sidaasna ay ugu soo xoojiyeen ciidamadooda kuwa AMISOM.
Ciidanka AMISOM ayaa wax ka qaban waayey jileeca ciidanka DFKM oo ay mar walba soo jiirayaan kooxaha ka soo horjeeda ee DFKM waxaana haatan ayba ku soo dhawaadeen Isgoyska KM4 oo xarun u ahayd ciidanka AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net