Qaahira:-Madaxweynaha dalka Masar mudada dheer ka talinaayey Xusni Mubarak ayaa qalniin caafimaad lagu samaynayaa, waxaana talada dalaka Masar si ku meelgaar ah ugu wareegtay Raysalwasaaraha dalka Masar Axmed Naziif.
Mubarak oo ah 81 jir ayaa qalniin dhanka beeryarada ah loogu samaynayaa maanta dalka Jarmalka.
Caafimaadka Madaxweynaha dalka Masar ayaa ah mid aan laga hadli karin gudaha dalka Masar. Sanad kahor ayaa Ibrahim Eissa oo madax ka ahaa joornaalka al-Dustur waxa uu wax ka qorey caafimaadka Xusni Mubarak, waxaana ninkaas la xirey muddo sanad ah.
Mubarak ayaa kamid ah madaxweynayaasha ugu cimriga dheer dalalka carabta waxaana uu talada dalkaas hayey muddo 28 sano ah.
Halgan.net