Boosaaso:-Waxaa maanta Magaalada Boosaaso lagu qabtay Xaflad si weyn loo soo agaasimay,xafladaan ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Bari uu ku wareejiyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Muuse Geelle gudoomiyaha cusub Shiikh Xafiid Cali Yuusuf oo dhawaan Madaxweynaha Puntlland Dr Faroole uu u soo magaxcaabay Gobolka Bari.
Xafladaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay dad fara badan oo iskugu jira Isimada Gobolka Bari ,Wasiiro ,Saraakiil Ciidan iyo Culimo,udiin kale duwan, markii ay Xafladu bilaabatay ayaa waxaa hadal kooban jeediyey Gudoomiyihii hore e Gobolka Bari Al-xaaji Muuse Gelle waxaan uu ka waramay wixii uu maamulkiisu soo qabtay sanadihii ay talada hayeen waxaan uu soo bandhiga buug arinkaas ka tarjumaya.
Gudoomiyihii hore e Gobolka Bari Al-xaaji Muuse Gelle ayaa sheegay in isaga iyo maamulkii horeba ay la shaqayn doonaa gudoomiyaha cusub intaas ka dib waxaa Microfonka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Shiikh CabdiXafiid Cali Yuusuf waxaan uu sheegay in howsha loo egmaday uu si fiican u gudan doono waxaan uu tilmaamay in uu wax ka qaban doona amaanka Gobolka iyo in uu Puntlland u horseedi doono meel looga daydo nabad.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Shiikh C/xafiid Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu soo dhisi doono maamul tayo leh oo wax badan ka qabta Gobolka Bari si amaanka iyo nabadgelyada loo adkeeyo wuxuuna xusay in uu bedeli doono dhamaan maamulkii hore.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Shiikh C/xafiid Cali Yuusuf ayaa xusay in xil ka loo dhiibay uu yahay amaano loogana baahan yahay in lala shaqeeyo si gacmaha la isku qabsado si amaanadaas looga soo baxo ,waxaa uu sheegay in xilka loo magacaabay in uu insha Allaahu ka soo bixi doono Allena ka baryayo in uu la garab galo.
M_M_Deeq
Boosaaso