Muqdisho:-Wasiirka arimaha gudaha DFKM Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in gargaraal lala soo gaaro dadka shacabka ah ee ka barakacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha DFKM Shiikh Cabdulqaddir Cali Cumar ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladiisu ay diyaarisay ciidan dhawaan sugi doona amaanka Muqdisho waxaan uu ku nuuxnuuxsaday in ciidanka DFKM ay dhawaan la wareegi doonaa magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha oo shalay saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu soo bandhigay dhalinyaro ka goosatay Xisbul Islaam kuwas oo uu sheegay in ay soo dhaweeyeen dhalinyarada kalena ay ugu baaqa yaan in ay ku soo biiraan DFKM ama ay dib ugu laabtaan Skuladooda oo aysan dhiaatayn waalidkooda .
Wasiirka arimaha gudaha DFKM Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa xusay in dhalinyarad isku soo dhiibtay DFKM ay ahaayen kuwa la qaldaya lagana dhaadhiciyey in culimada Soomaaliyeed ee waaweyn aan waxba laga dhageysan balse loogu sheegay qaarkood in ay yihiin kuwo rido ku dhacay .
Eedeynta uu Wasiirka arimaha gudaha DFKM Sh. Cabdulqaadir Cali Cumar u soo jeediyey Ururka Xisbul Islaam & Al-shabaab ayaan ilaa hadda jirin cid ka hadashay ,Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaan ilaa hadda si rasmi ah u cadayn in ay jiraan ciidamo ka tirsanaa ururkooda oo ku biiray kuwa DFKM.
Hadalka wasiirka arimaha gudaha DFKM Sh Cabdulqaadir ayaa waxa uu ku soo beegantay xili dowlada dalka Mareykanka ay sheegtay inay DFKM ka caawin doonto dagaalka ay la geli doonaa xoogagga Al-shabaab iyo ururka Xisbul Islaam iyagoo ka saacido doona dhinac cirka.
A/cawaale
Halgan.net