London:-Shiikh Maxamed Idiris oo ah daacadi wax ku bartay boqor tooyada sacuudi carabiya muda badana daganaa ayaa waraysi dheer siiyey idaacadda BBC da oo uu bookhday Bush House ka. Sheikh Mohamed ayaa waraysigiisaan oo ahaa laba qaybood oo idaacada bbc du siidaysay doraad oo taarikhdu ahayd Match 6 deedii iyo shalay Match 7 deedii 2010 ayaa ka hadlay wax qabadkiisa dacwo gaar ahaan intii uu ku noolaa dalka Maraykanka.
Sheikh Mohamed ayaa ka hadlay noolasha qurba joogta iyo wiilashii America ka tagay wuxuu kaloo ka hadlay dacwada iyo dhismayaasha Masaajidda iyo Madaarista. waraysiga qayb 1 ee uu kaga hadlayo intii uu ku noolaa America
Halkan ka Dhagyso
Sheikh Mohamed Qaybta 2 baad wuxuu kaga hadlay axsaabta iyo kooxaxa islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya soomaaliya sida Xisbul Islaam iyo Al shabaab iyo waliba Ahlusuna waljamaaca wuxuuna sheikh Mohamed sheegay in aysan Culumo ahayn ee ay yihiin Muslimiin kursi iyo xildoon ah waxayna la mid yihin soomalida kale ayuu dhahay Sheikh Mohamed.
Sheikh Mohamed wuxuu sheegay in culumadu aysan ka mid ahayn ururada siyaasadda isku hardinaya wuxuu shiikhu sheegay in culumada soomaliya layaqaan oo aysan ishaynin waxna ka dhaxaynin kitaabadii akhrinayaan Masaajidda joogaan Jaamacadaha dhigaan Fatwana bixiyaan, ururadadaan dagaalamaya culumadu ka mid ma ahan mana taageersana culumana ma aha ururadaan waa muslimiin kursi iyo han siyaasadeed leh ayuu dhahay Sh Mohamed
Sheikh Mohamed ayaa waraysigiisa ku sheegay in ay cadaalad daro tahay ururada dagaalamaya in lagu tilmaamo culumo, waa la yaqaan culumada soomaliya ayuu dhahay shiikhu. wadaadada dagaalamaya soomalida waxay isku hayaan ayey isku hayaan wadaadkuna dadka ayuu ka mid yahay laakiin ma ahan Culumo. Qayb 2 Halkan ka Dhagayso
Halgan.net
Isha Waraysiga
BBC Somali.com