Muqdisho:-Waxaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ,wafdiga Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ay gaari doonaan dalka Kenya oo ay uga qayb gali doonaa shir ay ku yeelan doonaa Madaxda dalalka IGAD.
Shirka ka dhici doona Kenya ee ay iskugu imaan doonaa Madaxda dalalka IGAD ayaa waxaa diiirada lagu saari doonaa dalalka ay dagaaladu halakeeyeen sida Sudan ,Soomaaliya iyo dalal kale, Arinta Soomaaliya ayaa lagu soo qaadi doonaa iyadoo madaxzda ka soo qayb galaysa shirkaas ay is wiidiin doonaa ciidamadii ay dalalka ku bahoobay IGAD ay u balan qaadeen madaxad DFKM in ay u soo diri doonaa dalka Soomaaliya.
Wafdiga Ra'iisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya 3 wasiir oo ka raacay magaalada Muqdisho halka kuwa kalena ay wafdiga kaga soo biiri doonaa dalka Kenya.
Wafdiga uu horkacayey Ra'iisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyey Wasiiro ka tirsan DFKM ,qaar ka mid ah xilibaanada DFKM iyo masuuliyiin ka tirsan ciidanka DFKM, amaanka garoonka Aadan Cadde iyo Raiisul wasaaraha ayaa waxaa ilaalinayey ciidanka AMISON iyo qaar ka tirsan ciidanka DFKM.
A/cawaale
Halgan.net