London:-Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu horkacyo ayaa la kulmay Raiisal Wasaaraha dalka Britain, Gordon Brown waxaana kulanka ay uga wada hadleen arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKM ayaa inta uu joogo dalka Britain waxaa uu kulan la qaadan doonaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda, David Milliband, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga, Douglas Alexander iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Alan Johnson.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed ayaa kulan la qaadan doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan London iyo Birmingham.Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waraaq uu qoray oo lagu daabacay wargeyska the Guardian oo ka soo baxa London, ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ku sheegay in kooxaha xag jirka ah ee Soomaaliya si fudud looga adkaan karo, haddii ay beesha caalamku laba arrimood wax ka beddesho.

Midda hore, in ay iska deyso niyad xumada ku saabsan in arrinta Soomaaliya aan waxba laga qaban karin.Midda labaad, in ay iska illowdo dhalanateedka khatarta ah ee tusaya in Soomaaliya ay arrimaheedu iyada ku kooban yihiin oo aanay dunida kale saamayn ku lahayn.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed waxaa socdaalkiisa ku weheliya Raiisal Wasaare Xigeenka ahna, Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Adan iyo Wasiirrada Arrimaha Haweenka, Dibadda, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Tacliinta Sare iyo Jaaliyadaha Dibadda waxaa kale oo London haatan ku sugan wasiirka warfaafinta DFKM Dr.Daahir Geele.
A/Cawale
Halgan.net