Mustaqbal
  BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Radio Daljir
Radio Galkacyo
Radio Lascaanod
Radio Warsan
Radio Dalmar
Radio Sagal
Radio Xoriyo
Focus on Africa
Radio Garowe
Radio shabelle
Radio Midnimo
Radio IQK Online
Radio Free Som

  Taleex.net
Masjidka Al-Rahma
Al-Yaqiin.com
Fartii Cusmaamiya
Aljazeerasomali
Allkheyraad
Allburtinle
Allidamaale.com
Allpuntland
Allmudug.org
Allsanaag
Allsbc.com
Aminarts.com
Allkarkaar
Awrboogays.com
BBC Soomaali
Boocame.com
Beerdhiga.com
Masjid Alhuda
Biyokulule
BeledXaawo
Cibaado.com
Ceelbaraf.net
Calayaale.com
Calanka.com
DailyPuntlan.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Dhahar.com
Dhagaxtuur.com
Eastafricauniversity
Gedonet.com
Harardhere.com
Hilinkatoosan
Hiiraancenter
Horseednet.net
Hobyo-one.com
Iqrasomali.com
Jidbaale
Jawhar.com
Jirac
Kismaayopost.com
Kismaayonews
Laasadaar.com
laasqoray.net
Maktabad.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Midnimo.com
Miisaanka
Onkod.net
Puntlandnews24
Puntlanddiasporaforum
Puntlandi
Puntlandpost
Puntlandgov.net
Puntlandonline
Puntlannews.com
Qardhaawi.com
Qaadisiya.com
Ramaas Software
Somaliatoday.net
Somalisites.com
Somalireal
widhwidh.com
Waayaha.net
WardheerNews
Xingaloolnews
Xaraash.com
Yamays.com
Waryatv
Daarulcilmi
Alhidaaya
Qorane.com
Duruus.com
Sh Abdulrashid.net
Maktabad.com
  Aflaxa
Altaqwaa.com
Boqolsoon
Quran
Waaniye.com
Tawfiiq.net
Somali Sunah
 
Dhibaatada uu keeno Sigaarku iyo waxa ayu Diintu Ka Qabto
Posted to the Web Dec 20, 15:58

الحمد لله الذي بعث محمدا صلى الله عليه وسلم بالهدى ودين الحق رحمة للعالمين وقدوة للعاملين وحجة على من أرسله الله إليهم أجمعين وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له إله الأولين والآخرين وأشهد أن محمدا عبده ورسوله المصطفى على العالمين صلى الله عليه وعلى آله وأصحابه ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين وسلم تسليما كثيرا Intaa bacdi waxaa nala amaray in dadku wanaaga isu sheegaan oo ay xumaanta iska reebaan, waxaa nala haboon in dadka aan ka waanino sigaarka una cadeyno in uu u daran yahay aduunkooda iyo aakhiradoodaba. Sigaarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha lagu tiriyo in uu keeno cudurada khatarta ah kuwaasoo waxyeelo u keena qofka naftiisa, haddaba inta aanan u fiirin maxay diintu ka qabtaa aan ku hor marno waxyaalaha iyo sida ay dadka aqoon yahanada ah iyo cidii kasta oo baaritaan ku samaysay ay ka sheegtay cabitaanka sigaarka.

Sigaarka waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nooc daroogada ka mid ah oo si xun ugu faafaya dunida dhamaanteed. Baaritaan ay sameeyeen aqoonyahano ka socda waaxda caafimaadka ee wadanka Maraykanka ayaa waxay daaha ka qaadeen in cabitaanka sigaarku uu yahay waxa ugu wayn ee faafiya ama keena cudurada kuwooda xun sida kansarka, wadno xanuunka, Sambabka oo hurguma, iyo meelaha ay hawadu marto oo ay ku dhashaan cuduro, cudurada laga qaado cabitaanka sigaarku waa ka badan yihiin kuwa laga qaado noocyada kale ee daroogada ah, sidoo kale wuxuu caafimaad xumo u keenaa ilmaha uurka ku jira haddii hooyadu cabto.Waraaqo (pamphlet) laga soo saaray xafiiska U.S. Surgeon General's Office, cinwaaakooduna ahaa"Maxay Dadku Sigaarka U Cabaan" ayay waxy ku cadeeyeen in sigaarku yahay daroogada kaliya ee qofka naftiisu ay sida dhaqsaha ah ula qabsanayso dabadeedna uu qofku had iyo goor u baahanayo (cigatette America's worst drug addiction problem). Dawladda Australia waxay qabatay barnaamij ay ugu magac dartay "Drug Problems in Australia" waxaa qaraarada ay soo saartay ka mid ahaa inay tiri "waa muhiin in la aqoonsado oo la ogaado in cabitaanka sigaarku yahay daroogo qofka naftiisa khatar ku ridaysa, marka loo eego daroogooyinka kale, sigaarka waxaa kujira kiimiko waxyeelaysa qofka maskaxdiisa kuna abuurta qofka in uu noqda mid ka caada dhigta oo raadsha xilli walba". Nin ka madax ka hay'adda lagu magacaabo U.S. Surgeon General, magaciisuna yahay Everett Coop ayaa wuxuu soo saaray bayaan uu kaga hadlayo cabitaanka sigaarka, waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "dad gaarayaa 340,000 (saddex boqol iyo afartan kun) ayaa ku geeriyooda wadanka Maraykanka dhexdiisa, dadkaas oo u dhintay cudurada uu keeno cabitaanka sigaarku, sidaa awgeed waxaan ognahay in cabitaanka sigaarku uu yaahay dilaa wayn oo qofka naftiisa halaagaya, marka la eego bulshada dhexdeeda dadka qaba cudurada sida kansarka, wadno xanuunka, sambab xanuunka iyo cudurada ku dhaco meelaha hawadu soo marto waxaay ka qaadeen cabitaanka sigaarka. Inta waxaa noogu cad dhibta iyo xumaanta uu leeyahya iyo waliba caafimaad xumada qofka sigaarka caba.


Maxay diintu ka qabtaa


 haddaba aan u fiirino waxa ay diintu ka qabto cabitaanka sigaarka. Guud ahaan marka loo fiirsho nusuusta kitaabka iyo sunnada waxaa kuu kala cadaanaysa in cabitaanka sigaarku tahay mid xaaraan ah oo aan u cuntamin qofka u nasab sheeganaya islaamka . Marka hore islaamku waxa uu dadka ku booriyey nadaafada qofka dharkiisa iyo jirkiisaba, waxaana nadaafadda nabigu ku sheegay in ay tahay iimaanka barkiis, had iyo jeerna qofka sigaarka caba waxaa ka soo ura ur aad iyo aad u qurmuun oo runtii qofka aan sigaarka cabini uu dhibsanayo nabigu xadiith ayuu ku tilmaamay in ayan banaanay in la dhibo dadka muslimiinta ah, sidoo kale nabigu waa diiday waxyaalaha urka qurmuun oo ay dadku dhibsanyaan in lala soo dhex galo, hadaan tusaale u soo qaadano, nabigu wuxuu diiday imaanshaha masaajidka haddii qofku soo cuno basal iyo toon, wuxuuna nabigu yiri malaaigta waxaa dhibaya waxa qofka dhibaya qofkii soo cuna basal masajidka yaanay naga imaan, waliba cumar ibnu khadaab qofkii uu ka dareemo inuu soo cunay basal iyo toon wuu qaban jiray ilaa uu geeyo meel masaajidka ka fog, hadaba waxaa is waydiin mudan haddii basashii iyo toontii oo markoodii hore xaalaal ahaa dhibayaan dadka iyo malaa'igtaba maxaad ka malaysay qof soo cabay sigaar.

Qofka sigaarka cabaa waa qof naftiisa dilaya sababtoo ah cudurada aan soo tilmaanay waxay ku yimaadan cabitaanka sigaarka, allaah (sw) waa diiday oo ma ogola in qofku naftiis dilo sida allaah quraanka ku yiri "naftiina ha dilinina ilaahay waa mid idiin naxariis badane", nabiguna wuxuu tilmaamay qofkiinaftiisa dila inuu aakhiro naarta galayo.

Rag culumada ka mid ah waxay sheegeen in haddii qofku sigaarka cabo dabadeedna uu u dhinto cudur sigaarku keenay daraadiis qofkasi waxa lagu xukumayaa inuu naftiisa dilay. Lacagta lagu gadayo sigaarka oo ah mid lagu bixiyey meel aan allaah (sw) raali ka ahayn waayo lacagtaasi waa lacag la khasaariyey nabiguna waxa uu noo sheegay in maalinta qiyaame lays waydiinayo qofku meesha xooluhu ka soo galeen iyo meesha uu ku baxshay, lacagta sigaarka lagu gatana waa mid lays waydiinayo.

Qiyaas la sameeyey inta qofku uu ku bixiyo sigaarka ayaa waxaa lagu qiyaasay in 30 kii sanaba uu qofka sigaarka cabaa uu ku gato lacag dhan 200,000 (laba boqoloo kun oo doolar) waliba kuma jirto haddii qofku jirado lacagta lagu bixinayo dawadiisa iyo baxnaanintiisa, lacagtaasi waa intii uu sigaarka ku gatay oo kali ah. Waxaa kale muujinaya in sigaarku xaaraan yahay warshadaha sameeya waxay ku soo qoraan baakadda dusheeda "cabitaanka sigaarka waxaa laga qaadaa cudurada xunxun sida kansarka", marka haddii lagu soo qoray baakadda dusheeda laguuna sheegay in uu cuduro keeno waxaa mudan inaad ka tagto oo aadan isticmaalin. Gebagebadaa hadalku waa in uu sigaarku xaaraan yahay oo ayaan banaanayn in la cabo waxaan soo hoos galaya in ayan banaanayn iibintiisa, Qofka oo muslimiinta ka mid ah waxaan kula dardaar maynaa in uu ku dhaqmo diintiisa oo uu ogaado xaaraanta alle xarimay haddii qofku ku dhaco in uu ku mudanayo ciqaabka ilaahay maalinta qiyaamaha, waana maalin qofka caruurtiisa iyo maalkiisuba aanay anfacayn.

W/Q: C/qani M. calixagaa
(qardhaawi)
qardhaawi@yahoo.com


 



Daawo Aljazeera Live

Warar kale oo xiiso leh
Sep 02
Kaalin intee le,eg ayay Jamciyadda Alxikmah kaga jirtaa daryeelka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.(Daawomasawirada)
Sep 02
Duqeyn xoogan iyo Dagaal goosgoos ah oo ka socda magaalada Muqdisho
Sep 02
Sarkaal ka tirsan dalka Ugandh oo xaqiijiyey in dowladiisa ay 750 askari u dirtay Muqdisho
Sep 02
Wafdi ka socda QM oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho(Daawo masawirda)
Sep 01
Tacsi:Kooshin Xirsi Cismaan Keenadiid oo caawa ku geeriyooday dalka Danmark
Sep 01
Wasiirka Warfaafinta Puntlland C/xakiim Axmed Guled oo ka waramaya safarka M/weyne Faroole ee Adis Ababa.(Dhagayso)
Sep 01
Raaf ka socda magaalada Boosaaso iyo ciidanka Booliska oo wada baaritaano
Sep 01
Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo ka dhoofay magaalada Garoowe
Sep 01
Askar ka tirsan AMISOM oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdisho oo saaka loo duuliyey Kenya
Sep 01
Qiimaha Bini'aadamka oo meeshii ugu hooseeyey ka gaaray magaalada Muqdisho (warbixin xasaasi ah)
Sep 01
Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM ay Soomaaliya sii joogi doonto
Aug 31
Wariye ka tirsanaa Idaacada Daljir oo caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo
 



 
Radio Halgan [ Halkaan ka dhagayso Radio Halgan Live ]


Nadwadii Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargaysa Masjid Rowda Ilaalinta Diinta iyo Nafta Sheikh C/naasir Xaaji Ahmed 13.Julay Dhagayso

Nadwadii Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargaysa Masjid Rowda Dhaqaalaha Islaamiga Sh.Ismacil iyo Sheikh Dirir 12.Julay Dhagayso

Nadwadii Masjidka Cali mataan ee magaalada Hargays Masjid Rowda U jeedada Sharceeda Islaamka Fadiilatu Sheikh Yuusuf Aadan Al-Qaadhi
11.Julay Dhagayso.

      Copyright© 2010-2011    Designedby Ramaas Software