Boosaaso:-Waxaa ka bilaabdey 23/4/08 nadwo diini ah oo loogu magacdarey Maxamed Rasuululah Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo ay culimada waaweyn ka soo qeyb galeen waxaana si toos ah looga sii daayey raadiyaasha maxaliga ah iyo Teleefishinada magaalada Boosaaso ,Qardho Gaalkacyo Garoowe, Laascaanood Burtile,Carmo iyo meelo kale .




Culumada ayaa waxaa ay aad uga hadleen dhinacyo badan oo kala duwan ee hadyiga Nabi Maxamed Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxaana nadwada muxaadaradii ugu hopraysay bilaawgeedii qaatay Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan oo ka hadlay xuquuqda Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyo waajidka ka saaaran dadka muslinka difaaca nabiga

Waxaa sidoo kale ha hadlay Akhlaaqda Nabiga Sheikh C/qaadir Nuur Faarax isaga oo sh C/qaadir soo qaatay tusaalooyin aad u tiro badan ,isagoo sheikhu
aad ugu dheeraaday in la raaco wadadii rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waan tan lagu badbaadi karo aakhiro iyo aduunba.

Waxaa isana ka hadlay dacwada rasuulka iyo daqriiqii uu rasuulku u maray wadadaas dhibka badan Sheikh Macalin Maxmuud oo aad ugu dheeraaday ahmida dacwada iyo muhimada ay leedahay waxaa uuna soo qaatay dhibta ay soo martay dacwada iyo ahmiyada ay shareecadu saartay in loo sabro fidinta diinta Islaamka iyo loo dhabar adaygo wixii dhib ah ee kaa soo gaaro Dacwad.
Muxaadaro kasta oo dhamaata ayaa culimada waxaa si toos ah loo wiidiinaayey su'aalo kale duwan oo ay culimada marba mid uu ka jawaabayey ,iyadoo qaabka su'aalaha loo wiidiinayey culimadu uu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay .






Ma jeceshahay inaad su'aalo u dirto culimada ka qayb qaadanaysa Nadwada
ka socota Masjidka Rowda su'aalahaaga ugu dir Emailka hoos ku qoran.
masjidkarowda@gmail.com
Halgan.net